Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay saraakiisha Qaybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka .

Kullanka Oo ahaa Mid wadatashi iyo qorsheynta howlgallada ka socda deegaanada Koonfur/galbeed ayuu ku boorriyay Wasiirku in Saraakiishu ay dar dar-galiyaan Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab Ee ka Socda Deegaanada Koonfur/Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa saraakiisha qeybta 60aad ku wargeliyay in dagaalka ay ku hogaamiyaan beelaha degga deegaanada Koonfur/galbeed islamarkaana ay ka dhabeeyaan howlgallka gobolka looga xureynayo Alshabaab,

https://rbnnews.net/82696ccc-fd0d-407e-811c-37dae258d0ea
Share.

Leave A Reply