Alllaha ha u Naxariistee Waxaa lagu dillay dalka Koonfur/Afrika Muwaadin Soomaaliyeed Oo Magaciisa lagu soo koobay NAJIIB.

Najiib ayaa waxaa la sheegayaa in rag burcad ah Oo hubeeysan ay weerareen Xilli gaari uu Rooti ku wareejinayay Gudaha xaafadda Zwide township Ee Duleeedka Magaalada (Port Elizabeth)

Xariir aynu la sameynay Jaaliyadda Somaliyeed Ee Halkaasi kunool ayaa inoo xaqiijin inay wax dhac ah ay u geysteen burcadu iyo in kale.

Ciidamada booliska ayaa gaaray halka falka dilka ah uu ka dhacay iyagoona baaritaano ka sameeynaya burcadii ka dambeeysay toogashada.

Sidoo Kale Xalay Muwaadin kale Oo Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala xaafada Tzakani ee hoostagta Magalada Johannesburg sida ay ino xaqiijiyeen ehaladiisa.

Maalinnimadii khamiista aheyd Ee Toddobaadkii hore aan kasoo gudubnay Muwaadin kale Oo Soomaaliyeed Laguna Magacaabayay Hassan Mohamud ayaa lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka soomaalida loogu geysanayo Koonfur/Afrika ayaa sare u sii kacaya .

Waxeyna inta badan dilalku ay ka dhacaan Deegaano iyo tuulooyinka Fog fog.

Share.

Leave A Reply