Waxaa isa soo taraya dhaleeceynta dowladda Soomaaliya kaga Imaanaya dowladaha caalamka iyo hey’adaha taageera Somaliya.

Dhaleeceyntaa Oo ku Aadan Xariga Sharci darrada ah ee dowladdu kula kacday Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee SJS Cabdalla Axmed Mumin.

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Cambaareeyay Xariga Sharci darrada ah loo geystay Mr.Cabdalla.

Qoraal ka soo baxay Safaarada Dowladda Mareykanka ku leeyahay Soomasliya ayaa lagu yiri”Mareykanku si dhaw ayuu ula socdaa xarigga Cabdalla Axmed Mumin Oo ahaa u ololeeyaha Xorriyadda Saxaafadda Sidoo kalena ah Taageere hormarinta Warbaahinta Madaxa bannaan.

Sidoo Kale Dowladda Ingiriiska ayaa aad uga walaacsan Xariga Cabdalla

Qoraalka dowladda Ingiriiska ayaa lagu yiri”

Xoriyatul qowlka waxay saldhig u tahay dhammaan xuquuqul Insaanka.

Sidaa Aawadeed Dowladda Soomaaliya Waxaan ku boorineynaa iney raacdo Nidaamka Sharciga ah.

Dhanka kale Guddiga difaaca Suxufiyiinta Afrika Ee Marka Magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano CPJ Ayaa si kulul uga hadlay Xarriga Cabdalla.

Wakiilka CPJ Muthoki Mumo ayaa yiri” Waa in cabdalla Si deg deg ah loo sii daayo Mr Cabdalla.

Sidoo Kale Hey’adda Amnesty international qeybteeda Afrika ayaa sheegtay iney ka walaacsan tahay xarriga cabdalla.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed waa iney si deg deg ah Oo bilaa sharuud La’aan ah U sii daayaan Xoghayaha. ayaa lagu yiri qoraalka Amnesty.

Share.

Leave A Reply