Ciidamada Booliska magaalada baraawe ayaa goor dhaweyd xabsiga baraawe u taxaabay Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Baraawe Omar Sheikh Abdi Shafana

Cumar Sheikh Abdi Shafana Oo ahaa Guddoomiyihii hore Ee Degmada Baraawe ayaa la sheegayaa in Xabsiga ay u Taxaabeen Ciidamada Booliiska Magaalada Baraawe.

Lama Oga Sababta Xariga Cumar Sheikh Aadan dhalisay.

Guddoomiyihii hore Ee Degmada Baraawe Haatanna u Xeran Ciidamada Booliiska Koonfur/galbeed ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Deeganka Ee Degmada Baraawe.

Mana Jirto Wax war ah Oo ka soo baxay Maamulka Degmada iyo Saraakiisha booliiska iyo Amniga Oo ku saabsan sababta Xabsiga loo dhigay Guddoomiyaha.

Share.

Leave A Reply