Ciidamada Booliiska Magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay Haweeney Jirdil U geysatay Gabar Yar Kadib Howlgallo Saaki ay ka sameeyeen Xaafadda New Hargeysa.

Ciidamada Booliiska Oo dabagal ku hayay Haweeneydaan kadib markii ay heleen Muuqaalo Muujinaya Jirdilka gabadha ay kula kaceyso,

Ciidamada Booliisku Waxay sheegeyn in Haweenaydan iyo gabadha yar ay ahaayeen Walaalo, sida ay ciidanka u sheegtay gabadha yari, iyadoo waalidka ilmaha yari ay degan yihiin magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Ugu Dambeyn Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga digaya falalka noocan oo kale ah.

Share.

Leave A Reply