Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Vienna kula kulmay dhigiisa dalka Austria Mudane Wolfgang Sobotka.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxay kaga hadleen Mataaneynta labada baarlamaan ee Austria iyo Soomaaliya, iyadoo labada guddoon ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii shaqaalaha iyo xildhibaannadda Golaha Shacabka ay u heli lahaayeen aqoon kororsi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Dowladda Austria uga mahadceliyey soo dhoweynta loogu sameeyey isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiyaha Golaha Qaranka Baarlamaanka Austria, Mudane Wolfgang Sobotka, ayaa dhankiisa ballan qaaday Dowladda Austria iney diyaar u tahay in ay gacan ka geysato dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo sidii kaalmooyin uga geeysan lahaayeen dadka ku waxyeeloobay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya.

Share.

Leave A Reply