Qoraal uu Soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku sheegay inuu qaatay Shahaadada Sare PhD Ee Culuumta Nabada Iyo Houmarka.


Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa Sidaan ku yiri:


Alle ayaa mahad leh, waxa aan maanta qaatay shahaadada sare (PhD) ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ee Jaamacadda Nabadda Qaramada Midoobey.


30-kii sano ee aan ka soo shaqeynayey arrimaha waxbarashada dalkeennna waxa aan ka bartay in dib-u-dhiska dowladnimadeenna iyo horumarkeenna ay aas-aas u tahay waxbarashadu, sidaas awgeed, waxaa naga go’an in aan dadaal ku bixinno hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta addeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah

Share.

Leave A Reply