Shirkan ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu furmo Maalinnimada Berrito ah Magaalada Kigali Ee Caasimadda Dalkaasi Rwanda.

Xildhibaanada Baarlamaanka JFS ayaa waxay kulamo la yeesheen xubnaha Baarlamaannada waddamada Islaamka ah iyo baarlamaanka Carabta.

Waxeyna Labada shirba kaga hadleen Xaaladaha waddamada Soomaaliya, Ciraaq, Yemen, Syria, qaddiyadda Falastiin iyo Pakistaan Oo 1,700 oo qof ay ku nafwaayeen xaaladda daadadka ee dalkaas ka jirta tan iyo horraantii bishii June ee Sannadkan.

Dhanka Soomaaliya Xildhibaanadu waxay uga hadleen xaaladda abaarta ee ka jirta Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladda iyo dadka shacabka kula jiraan AS.

Waxeyna Sheegeyn in loo baahanyahay taageero si loogu guulaysto labada mushkiladoodba Ee Abaarta iyo AS

Share.

Leave A Reply