Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 6-kursi oo kamid ah 14-kii kursi ee la shaaciyay 13/12/2021.

lixda kursi oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kala yihiin.

1: HOP028 oo uu mu fadhiyo Cabdullaahi Maxamed Aadan (Shaacir)

2: HOP093 oo uu ku fadhiyay Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo mar noqday Golaha Wasiirada Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

3: HOP107 oo ay ku fadhiso Xaawo Maxamed Aadan

4: HOP 111 oo uu ku fadhiyo Maxamed Nuur Iftin Shambara

5: HOP 114 oo uu horay ugu fadhiyo Cabduqaadir Maxamed Xuseen (Faliija)

6: HOP120 oo uu hadda ku fadhiyo Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Bakhdaadi) oo mar soo noqday Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Maamulka Jubaland Ayaa Kamid Noqonaya Maamulada Hirgalinaya Heshiiska Dhamaystirka Dorashoyinka Barlamanka Somalia.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply