Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo wax-wada-qabsiga.

Kulankani oo ahaa booqasho xushmadeed oo uu Safiirka Turkiga ugu tagay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa looga wadahadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska , iyadoo la isla gartay sidii looga wada shaqayn lahaa ka dhabaynta himilooyinka qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Share.

Leave A Reply