Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil goordhow ka dhacay xaafada Ex-Control degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, koox bistoolado ku hubeysan ayaa toogatay Xassan cali gacal( Moosow) oo ahaa Madaxii Fasaxa dhismaha ee Degmada dharkenley.

Marxuumka oo gacan yare sidoo kale u ahaa gudoomiyaha degmadaasi Xundubeey ayaa la dilay xili uu kasoo baxayay gurigiisa, wuxuu a kusoo jeeday goobtiisa shaqo.

Kooxda falkaasi dilka ah geystay oo saddex lagu sheegay ayaa goobta isaga baxsatay.

Ciidamada booliska degnadaasi ayaa daqiiqado kadib tagay goobta, iyagoo ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, walow aysan ku guuleysan iney soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha.

Share.

Leave A Reply