Wasiirka Caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo xalay jawaab ka bixiyay go’aankii SSC ayaa caddeeyay mowqifka dowladda ee bixitaanka Khaatumo iyo xulista xildhibaannada laga soo doorto degaannadaasi.

Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay, in iyadoo la tixgelinayo go’aanka dhaqanka SSC-khaatumo, haddana kala bixidda labada dhinac loo mari doono hannaan waafaqsan sharciga iyo nidaamka, taasi oo aan hal maalin ku dhammaan karin.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hannaanka kala bixista Puntland iyo SSC-khaatumo uu bilaaban doono doorashada kadib, balse hadda la soo xuli doono xildhibaannadii SSC, iyadoo loo marayo hab-raacii saxiixa isimada ama cuqaasha degaanka.

“Rabitaanka dadka SSC iyo nidaamka dastuuriga ah ayaa lays waafajinaya. 17-ka xildhibaan waa la soo xulaya, garaadada laftooda soo xulaya ama cuqaasha soo xulaysa, hab-raacii loo mari jiray ayaana loo maraya” ayuu yiri wasiirka.

Share.

Leave A Reply