Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Share.

Leave A Reply