Daud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Oo howlo shaqo ku jooga magaalada Tripoli Ee Caasimadda dalkaasi Liibiya, maanta la kulmey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuriyadda Liibiya Mudane Hussein Atiya Abdulhafid Al Qatrani.

Wasiirka warfaafinta ayaa Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Libya u gudbiyay salaan uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya,Xamse Cabdi Barre,

Intaasi kadib Daud Aweys Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kaga warbixiyay kadibna uga warbixiyay Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Liibiya xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarka dhanka siyaasadda, dagaalka dalka ka socda Ee ka dhanka ah AS. xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo caalamka.

Sidoo kale labada dhinac waxay isla gorfeeyeen barnaamijka wax loogu qabanayo muhaajiriinta Soomaalida ee ku nool Liibiya ee doonaya in dib dalkooda loogu celiyo , iyo arrimaha kale ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Ugu dambeyn Mudane Al Qatrani oo ah Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Liibiya ayaa kaga mahad celiyay booqashada Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu ku joogo dalkaasi,isagoo intaa ku darey in Liibiya ay diyaar u tahay sare u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga labada dal Ee Soomaaliya iyo Liibiya.

Share.

Leave A Reply