Waxaa maalintii labaad si toos ah kaga socda magaalada muqdisho Kulanka dib u eegista hanaanka dhab u heshiisiinta. Kaas Oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha gudaha soomaaliya waxaana qeyb ka ah dowlad gobolleedyada iyo qeybaha bulshada sida Culuma’udiinka odeyaasha, haweenka iyo dhalinyarada.

Kulanka waxaa maanta kalimad ka jeediyay  Sh Bashiir Axmeed Salaad Oo ah Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed

Sh Bashiir waxa uu yiri’

“Soomaali waxaa ay isku heysto waa lahaanshiyo dhuleed qof ama qabiil iyo isku heysi maamul, marka dhul la yiraahdo waa in diinta lala aado, dhulka ilaah ayaa abuuray, oo iska leh, banii’aadam ayaa loogu talogalay, midda kale dhulka cidda lahaan kartaa waa labo qof, beer ama shirkad, dowlad iyo maamul dhul ayuu yeelan karaa. Qabiil dhul ma lahaan karo, dhulkan qabiil ayaa iska leh diin ahaan waa qalad, qofkii raba ayaa daaqsiin ku sameysanaya iyo cabitaan ku leh.

Kulankaan ayaa Oo uu shalay daah-furay Wasiirka arimaha gudaha soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa lagu wadaa in Maalinnimada berito ah la soo xero.

Share.

Leave A Reply