Maamulka hirshabelle ayaa dib u dayactir ku sameeyay ceelashii biyaha ee degmada Aadan yabaal kuwaas 6-dii bishan kooxda alshabaab ay ka furteen bamkii biyaha soo saari jiray kadib markii magaalada ay isaga baxayeen.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaana ka qeybgalay munaasabad dib loogu howlgelinayay ceelashaasi.

Share.

Leave A Reply