War ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar sheegaya in wasaaraddu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka shirkadda MARU PORT Oo iyadu baahisay in wasaaradda ay u ogolaatay.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa qoraalka ka soo baxay ku sheegtay inaaney jirin warka ka soo baxay shirkadda Islamarkaana ay u caddeynayso bulshada Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo dhammaan hay’adaha kale ee khusayso arintaan in aanay illaa hadda jirin shirkad la siiyey wax oggolaanshiyo ah Oo la xariira ka shaqeysnta hubinta Tayada Badeecadaha dalka.

Waxeyna Wasaaraddu sheegtay in dhawaan shaacin doonto tartan si daah-furan loo gelin doono shirkadaha soo codsada ee u qalma baarista tayada badeecadaha soo gelaya iyo kuwa ka baxaya dalka isla-mar-ahaantaana la siin doono shirkaddii ku guulaysata.

Share.

Leave A Reply