Sida ay baahiyeen warbaahinta maxaligga ee ka howlgalla dalka Indonesia in ka badan 162ruux ayaa ku dhintay halka kummanaan kalena ku dhaawacmeen kadib dhul gariir xooggan oo ku dhuftay magaalada Cianjur Ee dhaca galbeedka gobolka West Java ,

Qiyaasta dhul gariirka oo cabirkiisa lagu sheegay 5.6 -ayaa sababay burburka guryo badan oo isugu jira iskuulo goobo ganacsi iyo guryo deegaan ahaa,

Ridwan Kamil oo ah guddoomiyaha gobolka dhaca galbeedka ee Java dhulgariirkuna uu ka dhacay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in tirada khasaaraha marba marka ka sii dambeyso ay sii kordheyso,

Wuxuuna guddoomiye Ridwan Kamil uu goor sii horreysay u sheegay wakaaladda wararka Ee AfP in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray carruur aad u yar-yar.

Gobolkan uu ka dhacay dhulgariirka ayaa la sheegayaa inay kunoolaayeen dad lagu qiyaasay 2.5milyan oo ruux waana gobol buuraley ah iyadoona magaalada sida gaarka ah ee dhul gariirka kaga dhacay ee Java ay degenaayeen dad gaaraya 175,000 oo ruux,

Guddoomiyaha gobolka Cianjur Ridwan Kamil oo la sii hadlayay AfP ayaa yiri 13kun oo kamid 175kun ee kunool magaalada java waa ay saameeyeen dhul gariirka,

wadooyinka magaalada waxaa daadsan burburka guryaha sidoo kale goobaha caafimaadka waxaa buux dhaafiyay dadka waxyeelada ay ka soo gaartay dhul-gariirka,

Share.

Leave A Reply