Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Maxaas oo kamid ah deegaanada uu ka bilawday dagaalka ka dhanka ah alshabaab ee ka socda qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka.

waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka.

Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha soomaaliya ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal dadweyne oo isugu soo banbaxay soo dhaweyntiisa.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” ayuu yiri madaxweynaha soomaaliya mar uu la hadlayay fagaaraha lagu soo dhaweeyay ee Degmada Maxaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay dadajin doonto qorshaha ay adeegga dowladnimada ku gaarsiineyso deegaanada laga xoreeyay Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah Alshabaab uu socon doono inta guud ahaan lagaga saarayo dalka

Share.

Leave A Reply