Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kormeeray fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ka sameysteen degaanka xawaadley Ee gobolka sh/dhexe.halkaas Oo dhawaan ay alshabaab kala wareegeen ciidanka dowladda soomaaliya.

Taliyaha ayaa ku booriyay Ciidanka Xoogga Dalka Ee ku sugan deeganka xawaadleey kaalinta ay kaga jiraan difaaca dalka dadka iyo diinta.

Wuxuuna kula dar-daarmay Ciidanka joogtaynta howlgalada ka dhanka ah kooxda al-shabab.

Degaanka xawaadleey ayaa waxaa ku taalo buundo Muhiim u aheyd kooxda Alshabaab taas oo ay isaga kala gudbi jireen gobollada dhexe iyo gobollada koofureed.

Share.

Leave A Reply