Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Beledweyne halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Mudane Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre socdaalkiisu ayaa daaran xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Alshabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan Kooxdaasi.

Waxaa magaalada Beledweyne Horey ugu sii sugnaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xamse ku yimaado magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay, taasi oo muujineysa ahmiyadda iyo mudnaanta uu Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisu siineyso dagaalka ka socda gobolkaasi

Share.

Leave A Reply