Booliiska Dalka Malaawi ayaa Waqooyiga dalkaasi ka helay Xabaalo Wadareed ay ku Aasnaayeen haraaga 25qofood kuwaas Oo loo mlaeynaayo inay ahaayeen Tahriibayaal Itoobiyaan ah,

Afhayeenka booliiska Peter Kalaya oo la hadlay AFP ayaa sheegay in Talaadadii la soo dhaafay ay heleen Qabriga deetana aagga, Isagoo intaasi ku daray inay bilaabeen inay soo saaraan illaa hadda, waxaan helnay 25 mayd,” ayuuna yiri afhayeenka.

Boolisku waxaa arintaan ku soo wargeliyay dadka ku nool deegaanka Mzimba oo qiyaastii 250 KM dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Lilongwe, kuwaas oo ka kor dhacay qabriga xilli ay malab kasoo ururinayeen meel kayn ah.

“Waxaan ka shakisanahay inay ahaayeen tahriibayaal sharci-darro ah oo loo waday Koonfur Afrika, iyadoo lasii marinaayo Malawi,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Peter Kalaya.

Waxa uu intaasi ku daray in caddaymo laga soo ururiyay goobtaasi ay muujinayeen in dadka la dilay ay ahaayeen rag Ethiopian ah oo da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 40 sano jir.

Waxa ay boolisku sheegeen in meydadka la soo saaray la dhigay qolka meydadka lagu keydiyo si baaritaan loogu sameeyo.

“Meydadka ayaa u muuqda in la aasay malaha wax aan ka badneyn bil ka hor,” ayuu raaciyay afhayeenka boolisku.

Malawi, waa marin caan ah oo ay maraan soogalootiga sharci-darada ah ee ka yimaada Bariga Afrika ee loo tahriibiyo Koonfur Afrika — oo ah waddanka ugu warshadaha badan qaaradda iyo soogalootiga saboolka ah ee ka imanaya meelo kale oo qaaradda ah.

Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale Tilmaamay , in intii u dhaxaysay bilihii January iyo September ee sanadkan ay gacanta ku dhigeen 221 tahriibayaal ah oo 186 ka mid ah ay ahaayeen Itoobiyaan.

Labo sano ka hor mas’uuliyiinta socdaalka ee dalka Mozambique ayaa sameeyay baaritaan naxdin leh, iyagoo helay 64 muhaajiriin ah oo ka yimid Itoobiya oo ku dhintay konteenar saarnaa gaari xamuul ah.

Share.

Leave A Reply