RBN NEWS SOMALIA

Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee Atmis Ayaa Maanta Qarax lagula Eegtay  Isgoyska Cali Kamiin degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

Dadka Deeganka Oo Ka Agdhawa Goobta Uu Qaraxa Kadhacay Ayaa Warbahinta u sheegeen in qaraxa uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo Ciidamada iyo dad Shacab ah kasoo gaaray qaraxa.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa Ciidamada Atmis waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan weli la xaqiijin khasaaraha kasoo gaaray dadka Shacabka ah waxaana muddo Daqiiqada  ah ay Ciidamada hakad geliyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Cali Kamiin Dagmada Warta Nabada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mudo  daqiiqado ah kadib Ciidamada ay sii wateen socdaalkooda.

Marar Badan ayaa qaraxyo Miino Magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee Atmis.

Share.

Leave A Reply