Xaaji Cabdinuur Daruuro oo ka mid ah ganacsatada koonfur galbeed soomaaliya ayaa ku deeqey gargaarkaan raashiinka ah oo guddiga abaaraha gobolka bakool gaarsiiyeen  shan boqol oo qoys oo ay ka soo xuleen kaamamka barakacayaasha magaalada xuddur.

Deeqda oo ka kooban Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid ayaa la gaarsiiyay qoysaska danta yare e ku jira kaamamka barakacayaasha degmada Xudur,iyadoon qoysaska la gaarsiiyay deeqda rashiinka ah ay u mahadceliyen ganacsadaha soomaaliyeed ee gar’gaarka soo gaarsiiyay iyo waliba guddiga abaaraha ee Gobolka Gedo

Guddoomiyaha degmada xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in dhibaata xooggan dhanka abaaraha ah ay ka jirto degaanka,isagoona Ha’adaha iyo cid walabo wax heysato ay gurmad la soo gaarto qoysaska ay abaartu sameeysay

Share.

Leave A Reply