Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aada, ayaa maanta furay kulan wada-tashi ah oo loogga hadlaayey Wada-hadalka Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah ee iskaashatooyinka iyo Qeybaha Ururada Ganacsiga kaas oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dawlad Goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay xor uruurin hore loogga sameeyey ganacsiyada yar-yar ee ka shaqeeya gudaha Baydhabo kuwaas oo diirada lagu saaray siyaabaha loo horumarin karo, caqabadaha jira iyo siddii ay u la jaan-qaadi lahaayeen iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yar-yar ee ka jira caalamka.

Barnaamijkan oo ay ka wada-shaqeynayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda DAI sidoo kalena uu maal-gelinaayo Midowga Yurub, ayaa ujeedkiisu yahay siddii kor looggu qaadi lahaa iskaashiga u dhaxeeya dhinacyada dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah taas oo ahmiyad weyn u leh horumarka dhaqaale ee dalka iyo siddii ganacsatadu ay uga faa’idaysan lahayd awoodooda wax-soo-saar isla-mar-ahaantaana ay qeyb uga noqon lahaayeen suuqyada ganacsi ee caalamka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo kulanka furay, ayaa waxaa uu si faah-faahsan uga xog waramay ahmiyadda uu lee yahay barnamaijkani iyo weli ba sidoo kale sida ay ka dawlad ahaan mudnaanta u siinayaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe si loo heli siyaasado iyo shuruuc lagu horumarin karo iskaashatooyinka iyo guud ahaan ganacsiyada gaarka ah si ganacsatadu ay qeyb uga noqon karaan suuqyada caalamka.

Share.

Leave A Reply