Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta labada Aqal ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta qatay doorashada Saddexdii kursi ee ugu dambeeya 46 kursi ee Golaha Shacabka ku matalayo degaanada Gobolada Waqooyi.

Kursiga ugu horeyay Hop#243 ayaa  waxa ku guuleystay Samsam Muxumed Cumar kadib markii ay tanaasushay Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay xildhibaan Samsam oo heshay 98 Cod waxaana ka aamusay laba qof

Kursiga labaad Hop#206  ee golaha shacabka BJFS  ayaa isna waxaa ku guuleystay Maxamed Ibraahim Cabdi kaa oo doorashadiisa maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleysatay kursiga Saddexada ee Hop#259 ee Golaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Tirada guud ee Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ayaa noqonaya gudigii ugu horeeyya ee doorashada kusoo gabagabeeyay mudada 45 maalmood ee loo qabtay jadwalkii ugu dambeeyay oo ay wada gaareen golaha wadatashiga qaranka

Share.

Leave A Reply