Saaki aroortii waxaa lagu dillay gudaha degmada balcad mid kamid ah ragga darawalada ah Ee ka shaqeysta magaalada jowhar iyo degmada balcad.

Ninkaan Darawalka ahaa waxaa toogtay maleeshiyo jid-gooyo ay u tiilay gudaha degmada Balcad kadib markii ay wada murmeen,

Falkaan dilka ayaa si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaano Kulanka Balcad oo ah halka looga soo baxo magaalada Jowhar.

Kadib dilka loo geystay darawalkaasi waxaa isu soo bax aan loo kala harin halkaasi ka sameeyay baabuurleyda ka shaqeysata wadada xariirisa balcad iyo jawhar, kuwaas oo sheegay inay cadaalad u baahan yihiin oo aanan xaafadahooda dib ugu laaban doonin ilaa askariga dilka geystay la soo qabto oo isna la qisaaso,

Meydka saalax gaadaay ayaa saaki ilaa iminka goobta yaalo iyadoona ehelladiisa goobta ay ku sugan yihiin.

Gobolka sh.dhexe dhacdooyinka ka imaanaya waa kuwa isdaba joog ah iyadoona xalay dad isku qoys ahaa aanooyin qabiil loogu dillay tuulada  xaluula oo hoostagta degmada Warsheekh ee gobolka sh.dhexe.

Share.

Leave A Reply