Sh. Shariif Sh.Axmed Madaxweynihii hore dowladda Kumeel gaarka aheyd Ee Soomaaliya ayaa maanta ku booqday Guriga uu ka degen yahay Magaalada Istanbuul Guddoomiyihii hore Ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qoraal Uu Sh.Shariif Sh Axmed ku soo qoray bartiisa Facebook ayuu ku yiri”

Bismillahi,

Waxaan magaalada Istanbuul wadanka Turkiga ku booqday Guddoomiyihi hore ee Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Waxaan kala sheekeystay xaaladdiisa caafimaad, wuuna fiicnaa waxaan u rajaynayaa Guddoomiyaha in Ilaahay caafimaadka u siyaadiyo.,

Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa dhawaan xannuun soo Wajahay darteed dalka Turkiga loogu qaaday.

Iyadoona dabadeed warar been abuur ah ay ka faafiyeen Qaar kamid Warbaahinta kuwaas Oo sheegay inuu Geeriyooday Guddoomiyuhu.

Share.

Leave A Reply