Hey’adda U dooda Xaquuqda Aadanaha Ee Amnesty Internatinal ayaa baahisay muuqaal kooban Oo ay ku soo bandhigeyso dilal 23Carruur ah ay u Geysteen Ciidamada Amaanka Dalka Iiraan. xilli dalkaasi Mudaaharaadyo xooggan uu ka Socdo.

Amnesty Ayaa heshay Magacyada iyo muuqaalada carruurta ay dilleen Ciidamada Amaanka Iiraan.

Amnesty ayaa sheegtay in 20kii september ilaa 30september intii ka dhaxeesay oo 10maalmood ah in 23ka carruurta lagu dillay Iiraan.

Carruurta dilalka ay u geysteen Ciidamada Amaanka Ee dalka Iiraan ayaa ka kooban 20rag iyo Sadex gabdhood.

Kuwaas Oo da’doodu midka ugu yarna uu yahay 11jir Halka midka ugu weyna uu yahay 17jir.

Wadarta dadka ay dileen ciidamada Amaanka laga soo bilaabo 19Saptember ilaa 03da bishaan October ayey Amnesty ku sheegtay 144Ruux Oo ay isugu jiraan Rag Dumar iyo Carruur.

Sidoo Kale Urur Maxalli ah oo ka howlgala Iiraan ayaa Amnesty U sheegay kadib baaritaano ay sameeyeen in dhimashadu Tiradaasi ay ka sii badan tahay.

Dowladda iiraan ayaa la Dhowrayaa sida Eedaha Amnesty ay kaga soo falcelin doonto.

Share.

Leave A Reply