Cabdalla Muumin Xoghayah guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa la Sheegayaa in Isaga Oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Ciidamada Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ay ka qabteen ayna Xabsiga u Taxaabeen,

Lama Oga halka ay la aadeen Ciidamada NISA Xoghayah guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Cabdalla Muumin ayaa shir Jaraa’id maalin kahor ku qabtay Magaalada Muqdisho kaas oo uu uga soo horjeestay amarkii dowladda ay warbaahinta uga mamnuucday baahinta Wararka AS.

Share.

Leave A Reply