Wararka laga helayo Xaafadda Xaawo_Taako Ee Degmada Wadajir ayaa Sheegaya in Saaki Aroortii lagu dillay Aabbo Nuur Xasan Oo Naafo ka ahaa Gacmaha iyo Lugaha.

Sida Ehellada Marxuumka ay U Xaqiijiyeen Warbaahinta RBN Ee Magaalada Muqdisho Aabbo Nuur Xasan Waxaa dillay Wiil Shaqaale u ahaa Kaas oo 16meel Tooreey kaga dhuftay.

Lama oga Waxyaabaha ku Sababay inuu Wiilkani dilka u geysto Ninkii Uu u shaqeynayay.

Dhacdooyinka Naxdinta iyo Amakaaga leh waa Kuwo Ku soo badanaya Gudaha M.Muqdisho.

Waxaana loo aaneynayaa Isticmaalka Waxyaabaha Maanka Dooriya.

Share.

Leave A Reply