Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Safiirada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya oo uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amp James Swan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirada Beesha Caalamka oo ay sido kale ka qeybgaleen Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada iyo La-taliyaasha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Xoojinta Howlgalada lagu Ciribtiraayo Argigixisada Alshabaab,Wax ka qabashada Dadka ay Abaartu Saamaysay iyo Daadejinta Adeegyada Dowladda.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply