Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi ka socda xildhibaannada haweenka ah ee ku jira Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa marka hore warbxin ka dhageystay xildhibaannadda haweenka ah iyagoo is weydaarsaday sidii haweenka tageero ugu heli lahaayeen ka qeyb galka siyaasada iyo awoodsiinta.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey howlkarnimadda ay sameynayaan haweenka Xildhibaannadda ah ee ku jira Golaha Shacabka BJFS, isagoo la wadaagay inay xoojiyaan midnimada xildhibaanada haweenka ah ee ku jira BJFS, waxaana uu u sheegay inay heli doonaan aqoon kororsiyo ku aaddan hanaanka sharci dejinta.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply