Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaaladda Muqdisho tacsi ugu tagey Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadii Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq dhowaan ku geeriyootay Dalka isu-tagga Imaaraadka carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa madaxweynihii hore la wadaagay murugada iyo xanuunka geerida marxuumada isagoo qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq u rajeeyay inuu illaahey samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa Lillaahi wa inna Illeehi Raajicuun illaahey ha u naxariisto hooyo Xasno Cabdulle Isaaq oo shalay la geeyey gurigeeda dhabta ah waxaan rabi SWT u weydiineynaa in uu hoygeeda ka dhigo janatul Fardowsa dhamaan ehelka iyo qaraabadana uu samir iyo iimaanna ka siiyo”ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply