Buulo Burde: 15, Agoosto, 2022: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde.

Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Buulo Burde ayaa inta ay joogaan waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sidoo kale xoojin doono howlgalada baahsan ee lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee ka socda Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply