Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ee culimada, haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka, ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ka dhagaystay aragtiyahooda ku saabsan dowlad-dhiska dalkeenna, isaga oo la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee horumarinta bulshada, shaqo abuurka, la dagaallanka argaggixisada, nabadaynta, taabbo-gelinta adeegyada asaasiga ah iyo u gurmashada dadka tabaaleysan.

Dhankooda, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabbilaadda uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee uu uga dhageystay aragtiyaha ay la wadaageen, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in ay Madaxweynaha ku garabsiinayaan dadaalka uu ugu jiro horumarinta dowladnimada iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Share.

Leave A Reply