Warbahinta Dawlada Somalia Ayaa Bahisay Qoral Ay Kaga Hadlayso Howgal Ciadamada Dawlada Somalia Ay Kasameeyeen Duleedka Deganka Bariire Ee Gobalka Shabelaha Hose

Qoralka Warbahinta Dawlada Ayaa Lagufah Fahiyay Howlgal Ay Sameeyen Cidamada Kumandoska Gorgor Qoralka Warbahinta Dawlada Somalia Ayaa Sidan Ahaa.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor, gaar ahaan ururka 7-aad ee guutada 18-aad ayaa gacanta ku soo dhigay seddax dhalinyaro ah oo sida la sheegay Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa farsameynta qaraxyada, uruurinta waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka iyo xooraanka xogaha sirdoonka, waxaana lagu qabtay howlgal qorsheysan oo ciidanku ay ka fuliyeen gudaha iyo daafaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose. 3-da xubnood ee Bariire lagu soo bandhigay ayaa lagu kala magacaabaa Cabdifataax Maxamed oo kooxda u qaabilsanaa sameynta qaraxyada, Cusmaan Cumar oo qaabilsanaa dhanka sahanka iyo Aadan Macalin Siraaji oo nabadiidka u uruuri jiray baada ay ugu yeeraan ‘Zakawaadka’. Saraakiisha GorGor waxay Radio Muqdisho u xaqiijiyeen in xubnahaan lasoo qabtay iyagoo ku dhuumaaleysanaya gudaha iyo deegaano kale oo u dhow Bariire

RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply