Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay cabasho ka soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aadan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee  Banaadiriga.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in si loo xaliyo cabashadaas uu magacaabayo guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskiisa, si ay arrintan u baaraan warbixinna uga keenaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Inta cabashada laga xalinayo, Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddiga SEIT ee Banaadiriga  in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga oo lagu waday in maalinta isniinta ah Muqdisho ka bilaabato.

Share.

Leave A Reply