Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha -Mw.hrd XFS xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta ka qeybgashay shir ay isugu yimaadeen haweenka Soomaaliyeed oo lagu xoojinayay ololaha u qareemidda iyo xaqiijinta qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% kuraasta harsan ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Madasha oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka dowladda federaalka ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, guddoomiye ku xigeenka arrimaah bulshada maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir, wakiilo ka socday ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka iyo mas’uuliyiin kale

Share.

Leave A Reply