Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Maamulkaas.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda ee sanadka 2022 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Mamaulka iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda.

Wasiirka ayaa sheegay in dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 koror dhan 11% marka la barbar dhigo sannadkii 2021-da.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Arbacada November 25, 2020

Arbacada Ayaana Lafilya Iyan Golaha Meel Mariyan Ama Ay Qadacan Markii La Eego Sharciga Horyala Golaha Wakiilada Maamulka Puntaland.

Share.

Leave A Reply