Author: rbnnews

Kadib safar shaqo oo uu shalay ku gaaray magaalada Xudur Ee Xarunta gobolka Bakool ku simaha madaxweynaha soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxa uu maanta gudaha magaaladaasi kulama kula qaatay duubabka dhaqanka ee gobolka Bakool. Waxa ay ugu horreyn warbixin ka siiyeen Golaha odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bakool guddoomiyuhu xaalada deegaanka oo ay dhaqanku sheegeen inay aad u cakiran tahay, Maadaama dhammaan magaalooyinka iyo deegaannada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Alshabaab. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool u ballan qaaday xureynta deegaanada ay kaga…

Read More

Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku saabsan arimaha sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) oo hogaaminayay mas’uuliyiinta ka socotay maamulka gobolka banaadir ayaa ugu horeynba kaga warbixiyay ra’iisul wasaaraha soomaaliya shaqooyinka ka socda gobolka iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada . Ra’iisul Wasaaraha Xamza ayaa dhankiisa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Alshabaab si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha…

Read More

Sida uu Warbaahinta u aqriyay Madaxa Warfaafinta Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Ayaa isaga baxay xubinnimadii uu kaga mid ahaa guddiga taakuleynta ciidamada dib u xureynta gobolka hiiraan. Guddoomiyaha gobolka hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa tilmaamay in uu ogyahay madaxweynaha hirshabelle Cali Guudlaawe islamarkaana sababo badan awgeed ay u saamixi weysay inuu ka sii mid ahaado guddiga.

Read More

Mudane Xamza Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabadda xuska maalinta qaranimada Qatar Oo ku beegneyd shalay 12-December.Waxa uuna hambalyo u diray guud ahaan shacab weynaha dalka Qatar iyo madaxdooda. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale munaasabadda xalay lagu qabtay magaalada muqdisho ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Qatar Iyo Soomaaliya iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Qatar ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu guuleysatay marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka 2022.

Read More

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo ku sugan magaalada Xudur Ee Xarunta gobolka Bakool Ayaa kulamo uu halkaasi kula qaatay saraakiisha ciidanka Xoogga faray iney deegaanada gobolkaasi ay ka bilaabaan howlgalka ka dhanka ah alshabaab ee ka socda gobolada dalka. Ku Simaha Madaxweynaha soomaaliya.ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool Sidoo kale ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada gobolka Bakool. Saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool Ee kulanka la qaatay Sh Aadan Madoobe ayaa dhankooda ku amaanay guddoomiyaha sida uu…

Read More

Waxaa maanta Oo Talaada ah ka furmay dalka mareykanka shir madaxeedka aadka u ballaaran ee u dhaxeeya Maraykanka iyo dalalka Afrika, Shirkaan Oo ay soo agaasintay dowladda mareykanka ayaa looga hadlayaaa arimo dhowr ah oo ay qeyb ka tahay” sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” Waxaa shirkan ka furmay maanta dalkaasi mareykanka lagu casuumay oo ka qeybgalaya wafuud gaareysa illaa 50Ruux Oo kala metelaya dalalka…

Read More

CabdulFataax Khaasim Maxamuud Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhigga soomaaliya ayaa maanta magaalada Doxa Ee Caasimadda dalka Qatar kaga qeybgalay Munaasabadda 12 December Oo ku beegan maalinta xoriyadda dalkaasi. Wafuud kale Oo ka tirsan xukuumadda federaalka soomaaliya ayaa sidoo kale Iyana qeyb ka ahaa kuwaas oo casuumaad ka helay madaxda dalka Qatar. CabdulFataax Khaasim Maxamuud Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga soomaaliya Ayaa kaga hambalyeeyay dowlada Qatar Maalintooda xuriyada wuxuuna ku bogaadiyey Sida Hagar La’aanta ah Ee ay u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Read More

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka dowladda Islaamiga ah Ee Afghanistaan Waxaa ka socda hotel kuyaala gudaha magaalada Kaabul Weerar ku bilawday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Waxaa la maqlayaa gudaha hoteelka dhawaqa rasaasta kaas oo ay isu adeegsanayaan ilaaladii hoteelka ku sugneyd iyo dagaalyahanada hoteelka soo weerartay. Hoteelkaan qaraxa lala eegtay ayaa la sheegayaa inay degenaayeen dad ajaaniib ah kuwaas oo dhalashadooda lagu sheegay iney ka soo jeedaan dalka Shiinaha. Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa iminka weerarka ku dhimatay inkastoo tirade khasaaraha intaas ay ka sii badan karaan. Ururka Taalibaan Oo xukuma dalkaasi ayaa u muuqda mid…

Read More

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la soo warinayaa inay ku toogteen gudaha degmada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud Nin ganacsade ahaa iyaga oo toogasho kadibna goobta isaga baxsaday, AUN Maxamuud Cabdinuur waxa uu ahaa ninka ay toogteen maleeshiyaadka hubeysnaa waxaana la xaqiijinayaa in bartamaha magaalada caabudwaaq ay ku dileen xilli uu ku sugnaa goob uu Kaalin Shidaal kulahaa. Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta RBN Ee Magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegay in falkaan dilka ah uu la xariiro beegsiga aanooyinka qabiil ee mudooyinkii dambaba ka taagnaa magaaladaasi, Laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu falka dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka…

Read More

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa maanta ka dhageystay warbixino ay ku soo gudbinayeen Xaaladaha degmooyinka maamulada iyo saraakiisha Amniga ee maamula Degmooyinka dhaca qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir. Kulankaan ayaa waxa uu maanta ka dhacay xarunta Degmada Dharkeenley Ee gobolka banaadir. Waxaana goobjoog ka ahaa kulanka guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa ugu dambeyntii faray Maamulada iyo saraakiisha Amniga ee Degmooyinka…

Read More