Author: rbnnews

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa maamulka ee gobolka banaadir ku qaabilay Mr. Mehmet Yilmaaz Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay . Waxay kawada hadleen Guddoomiyaha gobolka banaadir Sheikh Yuusuf Madaale iyo Safiirka Turkiga Mr. Mehmet Yilmaaz xoojinta Iskaashiga lagu horumarinayo heshiiska Mataaneenta Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga, dardargalinta mashaariicda lagu dhisayo Waddooyinka Caasimadda iyo xarumaha Danta-Guud Ee Gobolka Banaadir. Wuxuuna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uga mahadceliyay Dowlada Turkiga iyo shacab keedaba ka qeybqaadashadooda dib u soo kabashada Dalka.

Read More

Ciidamo hubeysan Oo ka tirsan Daraawiishta koonfur/galbeed ayaa saaki aroortii howlgallo ka sameeyay deegaano kooxda Alshabaab kaga sugnaayeen gobolka Bay. Howlgallaada ayaa ka dhacay Deegannada Daynuunaay iyo Moodo-moodo kuwaas oo ka tirsan gobolka Bay. Qoraal lagu baahiyay goordhaw warbaahinta afka dowladda ku hadasaha ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay si buuxda deegaanadaas kala wareegeen Alshabaab. “Ciidanka xoogga dalka oo khawaarijta kala wareegay Gacan ku haynta degaannada Daynuunaay iyo Moodo moodo oo katirsan Gobalka Baay kuwaas oo muhiim u ah isku socodka Baydhabo iyo Buur-hakaba”.

Read More

Warar kala duwan ayaa laga helayaa qarax ismiidaan ah oo goordhaw ka dhacay Isbitaalka Xoogga Ee Magaalada muqdisho. Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta RBN ee Magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegaya in xilliga qaraxa uu dhacayay isbitaalku ay ku sugnaayeen dhalinyaro fara badan kuwaas oo askarnimo in loo qoro hadafkoodu ahaa.. Ciidanka dowladda ayaa xeray dhammaan wadooyinka soo galo Isbitaalka iyadoona xaaladu ay aad u kacsan tahay.

Read More

Sida wararka aynu ku heleyno hal askari Oo kamid ah Ciidanka Booliiska Maamulka Somaliland ayaa ku dhintay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii uu la rogmaday gaari ciidan oo ay la socdeen. Ciidanka ayaa wakhtigii shilka ay galayeen ku gudo jiray howlgal amniga lagu xaqiijinaayo kaas oo ay ka wadeen degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag. Balse iyaga oo ku socdaalaya inta u dhaxeysa degmada Ceel’Afweyn iyo degmada Darar’weyne ayaa waxaa la rogmaday gaarigii ay howlgalka ku fulinayeen.. Dhaawacyada Labada askari Eek amid ah booliiska Somaliland ayaa la dhigay Cisbitaalka degmada Dararweyne.

Read More

Maxamed Cabdilaahi Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo Oo safar shaqo ku joogga dalka keynya ayaa waxay la kulmeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Waaxda Ilaalinta Duur-joogta ee dalka Kenya. Waxay ka wadahadleen Wafdiga Somaliland iyo saraakiisha Kenya muhiimadda ay leedahay ilaalinta duur-joogta iyo hababka ugu wanaagsan ee loo ilaaliyo duur-joogta kuwaas oo Somaliland ay dooneyso inay ka barato Kenya. Kulanka kadib Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland iyo wafdigiisa waxay booqasho gaar ah ku tageen qaar ka mida ah seerayaasha ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo duur-joogta kuwaas oo ku…

Read More

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Ku-simaha Madaxweynaha Somaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo qeybaha bulshada degmada Xudur ayaa xalay kulan ay kaga wada hadlayeen dagaalka Alshabaab kuyeeshay Magaaladaasi. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab kadib markii uu dhageystay dhibaatooyinka badan ee bulshada degmada xudur kala kulmaan kooxdaasi, Wuxuuna xusay in Dowladda diyaar u tahay ka qeybqaadashada xorreynta iyo taageerada dadka deegaanka si deegaanadooda ay u xureystaan, Sidoo kale Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u balanqaaday bulshada reer Xudur in la hirgelin doono adeegyo waxbarasho, Korontada, Xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif…

Read More

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda UK ee soomaaliya Kate Foster. Laftagareen iyo Kate Foster ayaa kawada hadlay arimo dhowr ah oo ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Kate foster safiirka dowladda Uk Ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in sare loo qaadi doonno Tababarida iyo Qalabaynta Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, Hormarinta Mashariicda iyo Taageerida la Dagaalanka Alshabaab.

Read More

Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi Oo ah Wasiiradda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XfS iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta si wadajir ah dhir ugu beeray xarunta aqalka martida dowlad goboleedka jubbaland ee magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah isagoona ku beeray guriga Ummadda geedo kamid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka horaantii bishii October Ee sanadkan.. Wasiirka Wasaaadda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Dalxiiska Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa tilmaamay dhir beerista maanta ay ka…

Read More

Wadanka Mozambique Ee dhaca koonfur bari qaaradda afrika ayaa dab qabad siiyay 10,000 Oo ah Waxyaabaha la isku cadeeyo. Iayadoona dhammaan xarumaha lagu iibiyo looga digay iney ka ganacsadaan waxyaabahaasi. Go’aanka ay qaadatay dowladda Mozambique ayaa yimid kadib markii Midowga Yurub ay soo saareen digniino halis ah Oo la xirriirta isticmaalka waxyaabaha midabka dooriya. Dowladda ayaa shacabkeeda u sheegtay inay walxahaan la isku cadeeyo ay ku jiraan walxo keeni kara cudurka kansarka, sidoo kalena sababi kara dhalmo la’aan. Sheila Mercis, oo ah kormeere ka tirsan hay’adda sharciyeynta dawooyinka ee dalka Mozambique ayaa sheegtay in Horraantii Sebtembar, Midowga Yurub ay soo…

Read More

Qoraalo lagu baahiyay warbaahinta dowladda soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaal xooggan oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay inay ku dileen Xubno Shabaab ah. “Ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka Obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe”. Sidoo kale Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamtay sababta howlgalka uu ku bilawday.”Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo doonayay inay u gurmadaan Khawaarij kale oo ciidanka…

Read More