Ciidamo ka tirsan Booliiska soomaaliyeed ahna Dufcaddii 17-aad ee Daraawiishta ee tababarka ku soo qaatay dugsiga tababarka Booliiska ee dalka Jabuuti.Ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ciidamadaan booliiska ah.

Taliye Xijaar ayaa ciidamada booliiska ku baraarujiyay inay ku dhaqmaan waxyaabihii ay tabbabarka ku soo qaateen isagoona sidoo kale kaga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti tababarka ay marwalba u sameysyo ciidanka booliiska soomaaliyeed.

Share.

Leave A Reply