Maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda laba beel oo Wada degta gobalka shabeelaha dhexe ayaa xalay is rasaaseyn ku dhexmartay tuulada Cadoow Uul ee Gobolka Sh.Dhexe..

Inta la xaqiijiyay Waxaa ku geeriyooday 2 dhallinyaro ah halka 2 kalena ay ku Dhaawacmeen.

Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor, Maamulka Deg.Cadale, Gen.Tareedisho, Wasiir Washington iyo Saraakiil kale oo Maalmahaan ku sugnaa degmada Cadalle ayaa ku baxay iyagoona ku guuleystay inay kala qaboojiyaan, lana kala qaado Maleeshiyo beeleedka.

Haatan heshiis hordhac ah ayaa laga gaaaray Israsaaseynta waxaana la filaa in Mardambe aaney isku laaban

Share.

Leave A Reply