Xafiiska Guddi-Hoosaadka Kormeerka, Anshaxa & Abaalmarinta ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Mne. Aadan Macalin Maxamed (Aadan Jeeg) ayaa maanta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Haweenka ku daahfuray Barnaamijka Dhaqangelinta Isticmaalka Aaladda suul-saaraka ee Xaadarinta Shaqaalaha Rayidka Dowladda kaas oo dhawaan lagu tababaray howl-wadeennada waaxda shaqaalaha ee hay’adaha loo xiray aaladda xaadirinta shaqaalaha.

Barnaamikaan Suul saarka ayaa loogu gol leeyahay in lagu xaqiijiyo shaqo-galka & shaqo ku negaanshaha shaqaalaha ee Hay’adaha Dowladda ayadoo xafiiska kormeerka uu manta si toos ah u bilaabay koormeerkii shaqaalaha ee hay’adaha dowldda laguna tegi doono dhammaan hay’adaha dowladda si loo hubiyo shaqo-galka shaqaalaha.

Gudoomiyaha Guddi-hoosaadka kormeerka ayaa shaqaalaha kula dardaarmey in waqtiga shaqa galka la ilaaliyo si qaranka loogu shaqeeyo maadaama buu yiri Qaranka xuquuq joogta ah aan ka qaadano, waxaa nalooga baahanyahay wax soo saar dhab ah.

Ugu dambeyn, Agaasimaayasha Guud ee Wasaaradaha maanta la booqday ayaa ballanqaaday in ay dhaqangelin doonaan barnaamijkaan xaadirinta shaqaalaha waxa ayna shaqaalahooda kula dardaarmeen in ay ilaaliyaan saacadaha shaqada. Sidoo kale, Agaasimayaasha ayaa xusay in shaqaalihii soo xaadiri waayay uu saameyn doono xuquuqaadka ay helaan.

RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply