Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacadiyo Xaaji Samatar oo uu weheliyo ku-xigeenka 2aad ee Golaha shacabka ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 1aad kulankiisa 10aad ee maanta.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Codsi ka yimid Ra’iisul Wasaare Xamse Abdi Bare Intaas ka dib

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa meelmariyay codsiga Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare u soo gudbiyay Guddoonka Golaha shcabka BJFS oo ahaa in muddo 10 cisho dheeraad ah loogu daro soo magacaabidda Golaha Wasiirada.

144 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday hal Xildhibaan,wax ka aamusay ma jiraan. Sidaas ayuuna ku ansaxay Codsiga Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare.

RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply