Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dowladda Qadar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah

Share.

Leave A Reply