Author: RBN NEWS

Ciidamada milatariga Isreal ayaa weerar dhinaca cirka ah ku qaaday guri uu leeyahay hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Xamaas ee Ismaaciil Haniyah guriga la duqeeyay ayaa ku yaalla magaalada Gaza. War kasoo baxay milatariga Isreal ayey ku sheegeen in diyaarado dagaal u adeegsadeen duqeymo xalay lala beegsaday guriga Ismaaciil Haniyah oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas. Milatariga Isreal warka ay soo saareen waxa ay sheegeen in guriga hoggaamiye Ismaaciil Haniyah loo isticmaalayay qalabka argagixisada iyo “goob ay ku kulmaan madaxda sare ee ururka”. Ciidamada Isreal ayaa duqeymo culus ku baabi’iyay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin waxa ayna Isreal wali…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa sheegaya in nin gaari watay uu xoog ku galay bar koontarool oo laga ilaaliyo safaarada Isreal ay ku leedahay caasimadda dalka Japan. War kasoo baxay booliiska magaalada Tokyo ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay xireen nin 50-sanno jir ah oo gaari uu xowli ku waday ku dhuftay deyr koontarool u ahaa safaarada Isreal. Sargaal katirsanaa ciidamada booliiska dalka Japan ayaa ku dhaawacmay gaarigan la jiirsiiyay, ciidamada ammaanka ayaana baaritaanno ku bilaabay ninkii ka dambeeyay falkan gaariga lagu dhuftay koontaroolka. Wali ma cadda falkan in uu ahaa mid shil ah iyo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay rabitaanka Itoobiya ee dhul badeed , kaasi oo dhawaan hadal hayn badan dhaliyay , loogana fal-celiyay siyaabo kala duwan. Abiy ayaa waxa uu si cad u sheegay in dalkiisu uusan marnaba dagaal qaadayn, si uu bad u helo, balse ay u marayaan waddo aan aheyn colaad, islamarkaana ay ku raadinayaan qaab sharciga waafaqsan. “Xaaladdu siday noqon karto ma garan karno haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wada-hadal lagu dhammayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn…

Read More

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya inuu qaado tallaabo cusub oo laga cabsi qabo inay mar kale horseedo gacan ka hadal ka dhaca caasimada Puntland ee Garoowe. Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda oo ku beegan 20-ka bishaan November uu meel-mariyo xeerka wax beddelka doorashooyinka, kaasi oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC. Xeerkan ayaa shalay loo gudbiyay Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Puntland, wuxuuna dhigaya in doorashada maamulka ay qabsoomto dhamaadka bisha Febraayo, taasi oo ka dhigan in doorashada ay ka dib dhaceyso waqtigeeda. Sidoo kale, xeerkan ayaa dhigaya in doorashada Madaxtooyadda iyo tan…

Read More