Author: RBN NEWS

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay hal dalab oo kama dambeys ah ka gudbinayso xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe bilowga sanadka 2024-ka. Laacibka reer France oo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubbada cagta aduunka ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu dhawrkii sano ee la soo dhaafay, laakiin u wareegistiisa ayaa ugu danbayn uu ku guul daraystay inuu midho dhaliyo sababo jira dartood. PSG ayaa diiday inay fasaxdo Mbappe xagaagii 2021 inkastoo lagu eedeeyay inay laba dalab ka heshay Real Madrid, oo ay ku jiraan €200m (£171.2m) oo ay ku…

Read More

Hadda waxa uu heystaa goolasha ugu badan ee ciyaaryahan kasta oo Real Madrid ah 15-kii kulan ee ugu horeysay. Rikoorkii hore ee 13 ka waxaa si wada jir ah u haystay Cristiano Ronaldo, Alfredo di Stefano iyo Pruden. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Bellingham ayaa dhaliyay 11 gool 12 kulan oo La Liga ah iyo seddex Champions League ah tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund xagaagii. Real ayaa ciyaarta soo gashay ayadoo laba dhibcood oo ay ka hooseyso Girona, waxaana hogaanka ciyaarta u dhiibay weeraryahanka Brazil ee Rodrygo. 22-sano jirkaan ayaa ka dib qeybtii labaad ee ciyaarta…

Read More

Bayer Leverkusen ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka Bundesliga ka dib markii ay 3-0 kaga badisay kooxda Werder Bremen oo barbareysay bilowgii ugu fiicneyd taariikhda horyaalka. Rikoorkooda 11-guul iyo hal bareejo ka dib 12-kulan waxay bareejeeyeen kii Bayern Munich ee 2015-16. Gool uu iska dhaliyay Olivier Deman ayaa hogaanka u dhiibay Leverkusen ka hor inta aysan Jeremie Frimpong iyo Alex Grimaldo u xaqiijinin guusha kooxda Xabi Alonso. Leverkusen ayaa labo dhibcood ka sareysa Bayern oo Jimcihii 1-0 ku garaacday FC Koln.

Read More

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay haatan hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Manchester United Jadon Sancho. Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa qarka u saaran inuu ka tago Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sababa la xiriira isku dhacii isaga iyo madaxa Red Devils Erik ten Hag, taasoo ka dhalatay weeraryahankii laga saaray kulankii Arsenal bilowgii September. Ten Hag ayaa sheegay in Sancho aan loo soo xulin kulanka Emirates Stadium sabab la xiriirta qaab ciyaareedka liita ee tababarka, laakiin weeraryahanka ayaa ku adkeystay in taasi aysan dhicin, isagoo ku andacoonaya in isaga laga…

Read More

Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiiseyneynin inuu ka tago Atletico Madrid iyadoo la soo jeedinayo in Manchester United ay dooneyso saxiixiisa sanadka soo socda. 32 jirkan ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Diego Simeone xilli ciyaareedka 2023-24, isagoo dhaliyay 12 gool 16 kulan oo uu saftay. Griezmann ayaa sidoo kale labo jeer ku lug lahaa ciyaaraha caalamiga ah ee France, isagoo 90-kii daqiiqo ciyaaray kulamadii Gibraltar iyo Greece, wuxuuna haatan dib ugu laaban doonaa Spain si uu isugu diyaariyo kulanka Atletico ee La Liga ay habeen dambe la ciyaari doonto Mallorca. Qandaraaska weeraryahanka Wanda Metropolitano ayaa…

Read More

 Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Dable lagu magacaabo Cabdisalaan Cali Axmed. Cabdisalaan ayaa 9-kii bishan lagu eedeeyay inuu bartamaha laamiga Guriceel ku dilay Cabdulaahi Cali Huday oo ka mid ahaa dhalinyarada wax baratay ee degmadaasi ku dhaqan. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay xukun ku riday Eedeysanayaasha aan kor ku soo xusnay, kadib markii ay soo xireen Ciidamada Sirdoonka Qaranka iyo kuwa Booliska Degmada Guriceel. Xukunka toogashada ah oo ka dhacay magaalada Guriceel ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida, ehelada marxuumka la dilay, iyo dadweyne…

Read More

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso aduun lacageed ay ku dooneyso Antoine Griezmann, iyadoo kooxda ay ka go’an tahay inay lasoo saxiixato weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka France xagaaga soo aadan. 32 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Atletico intii lagu jiray xilli ciyaareedkaan 2023-24 isaga oo dhaliyay 12 gool halka uu hal caawin sameeyay 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan. Griezmann ayaa weli muhiim u ah France, waxaana lagu wadaa inuu noqdo ciyaaryahan muhiim u ah xulkiisa oo dadaal ugu jira inuu guula badan kasoo hooyo xagaaga soo aadan Koobka Qaramada Yurub.…

Read More

Norway ayaa sheegtay in dhaawaca Erling Haaland uusan ahayn mid halis ah ka hor kulanka Man City ee Premier League ay la ciyaarayaan Liverpool 25ka November. Weeraryahanka ayaa dhaawac ka soo gaaray kulankii ay la ciyaareen Jasiirada Faroe Islands khamiisti, Dhibaatooyinka dhaawaca ee Man City ayaa sii kordhaya ka hor kulanka weyn ee ay la ciyaari doonaan kooxda ay horyaalka ku xafiiltamaan. Erling Haaland ayaa laga saaray xulka Norway ee wajihi doona Scotland kulanka Axada isreeb reebka Euro 2024 kadib dhaawac canqowga ah. Haaland, oo rajeynaya inuu ka soo kabsado kulanka Premier League ee City ay la ciyaarayaan Liverpool sabtida…

Read More

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan wadahadalo ganacsi oo cusub sanadka soo socda, inkastoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada dal, sida ay ku dhawaaqday Jimcihii wasaaradda ganacsiga ee Maraykanka. Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu Arbacadii la kulmay dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, intii uu socday shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC) ee ka dhacay maqaalada San Francisco. Xoghayaha ganacsiga ee Maraykanka Gina Raimondo ayaa wadahadal doceedyo la yeelatay dhiggeeda Wang Wentao Khamiistii. Waaxda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri, “Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay dib u eegis…

Read More