Author: Salax Mohamed

Sida uu u sheegay warbaahinta dowladda Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud kadib shir fogaan arag ah oo uu la yeeshay xubno ka tirsan Xariirka kubadda cagta ee Aduunka FIFA, waxa uu yiri FIFA waxa ay ka digtay islamarkaana isla garanay halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac ah iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Ee Soomaaliyeed. Waxa uu yiri wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha inay isla garteen xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee…

Read More

Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda , Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray Agaasimayaasha ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamarkaana uu soo gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray Agaasimayaasha ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamarkaana uu soo gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay…

Read More

kulan siweyn loo soo agaasimay ayaa maanta ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Iyo Guddoonka iyo Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Puntland Diaspora Forum loona soo gaabiyo (PDF), Waxaa hogaaminayay Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Faarax Aw Cismaan.Madaxweyne deni ayaa Qurbojoogta uga warbixiyey Shaqooyinka Dalka ka socda, waxayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha soo dhaweynta iyagoo aad u boggaadiyey hirgelinta Shaqooyinka Taariikhiga ah sida Dhismayaasha Wadooyinka, Dhismaha Ciidanka iyo Hirgelinta Dimuqraadiyadda, Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu qaabilay qeybaha kala duwan ee Bulshadii ka qeybgashay soo dhoweynta Qurbojoogta Puntland .

Read More

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga iyo Madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus. Iyagoo kawada hadlay fulinta mashaariic dhowr ah kuwaas oo wax ku’ool ah lagana fulinayo Caasimadda JFS. Duqa Caasimadda iyo Wafuudda ayaa sidoo kale kawada hadlay arrima ay kamid yihiin iskaashiga la xariira Dhismaha Wadooyinka, xarumaha Danta Guud, hirgalinta Warshadaha Wax soo saarka, Shaqa abuurka Dhallinyarada, xal u helida Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Yuusuf Xuseen Jimcaale guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn kaga mahadceliyay Dowladda…

Read More

Wafdi ballaran oo uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sanataro. Taliyaha ciidanka dhulka guddoomiyaha gobolka sh.dhexe iyo mas’uulyiin kale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Daaru-Naciim Ee gobolka Shabeelaha dhexe. Boqolaal dadweyne oo kamid ah dadka deegaanka ayaa mas’uuliyiinta si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka, Masuuliyiinta ayaa maalmihii u dambeeyay kormeer ugu kuur galayay deegaanadii laga saaray kooxda Alshabab ee ka tirsan gobolka sh.dhexe.

Read More

Dhacdooyin sababay dhimasho iyo dhaawac oo la xariirtya aanooyin qabiil kana dhacay qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ayaa la soo warinayaa in xal laga gaaray. Shir ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowlad goboleedka Puntland iyo odiyaasha dhaqanka beelaha xurgufta ay dhexmartay ayaa lagu kala saxiixday heshiis hordhac ah oo la xariirta waxyaabihii dhacay, Odiyaasha labada beelood ee walaalaha ayaa isla gartay inay duug kala qaataan ayna nabad kuwada noolaadaan. waxaana iminka loo madalsan yahay kulan weyne lagu dhameystiraayo heshiiska hordhaca ah ay wada gaareen beelahani.

Read More

Cabduqadir Qoslaaye waxa uu kamid ahaa dhallinyarada soomaaliyeed ee kunoolaa dalka koonfur Afrika, Kooxo burcad koonfur/afrikaan ah ayaa goob ganacsi uu ku lahaa tuulo ka tirsan magaalada Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika. ALLAHA u Naxariistee Marka laga soo tago geerida Cabduqaadir Qoslaaye waxaa kale uu dhaawac soo gaaray Muwaadin kale oo lagu Magacaabo Muxudiin Xuseen Gacal sida eheladooda ay xaqiijiyeen. Boliiska Koonfur Afrika ayaa sidii horay looga bartayba sheegay inay baarayaan dadkii ka dambeeyay weerarakaasi,

Read More

Sida ila wareedyo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde Ee Magaalada Muqdisho ku sugan ay xaqiijinayaan waxaa maanta soo gaaray gudaha dalka Ciidamadii ugu horreysay ee tabbabar ugu maqnaa dalka Eritrea kuwaas oo muran badan dhaliyay maqnaashahooda,Waxaana la xaqiijinayaa in maanta soo dagatay diyaarad ciidan oo ay saarnaayeen askar gaareysa ilaa 400 askari, waxeyna hordhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamadda maqan. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Mareykanka ka sheegay in dhamaan ciidamadda ku maqan Eritrea ay dalka dib ugu soo laaban doonaan ugu dambeyn bisha January ee sanadka cusu ee 2023.

Read More

19qofood ayaa xabsiga la dhigay kuwaas oo afar kamid ah ay yihiin rag halka 15kalena ay yihiin dumar kadib markii Ciidamo booliis islaami ah ay ku weerareen waqooyiga dalka Nigeria goob xaflad aroos aheyd, Lawal Ibrahim Fagge Oo ah afhayeenka booliiska ee magaalada Kano ee dalka Nigeria ayaa sheegay in sababta ka dambeesay weerarka ay ku qaadeen xafladani arooska inay tahay in arooska ay dhiganayeen lamaane isku jinsi ah. Inkastoo aysan ku guuleysan ciidanka booliiska inay gacanta ku soo dhigaan lamaanaha xafladda arooska dhiganayay hadana waxa ay soo xereen 19 ruux kuwaas oo kamid ahaa dadkii xafladda qeybta kala ahaa,…

Read More